Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Oo Shir Amni Ku Shir Guddoomiyay Baydhaba

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Cabdullahi Xuseen Cirro, ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo looga hadlay xaaladda amni ee Gobolka Baay, kaas oo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku yeesheen magaalada Baydhaba.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Isaaq, Taliyaha Guutada 17-aad ee GorGor, Korneyl Xuseen Moolif, iyo saraakiil kale oo ka socday hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta, dardargelinta qorshayaasha amniga iyo sidii loo adkeyn lahaa nabadgelyada magaalada Baydhaba iyo deegaanada kale ee maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay sugidda amniga xilliga ay ka socdaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee lagu qabanayo deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, si shacabka ay ugu codeeyaan jawi nabdoon oo xasiloon. Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ayaa ku bogaadiyay ciidamada howlgallada ay wadaan iyo dadaallada ay ugu jiraan ilaalinta amniga iyo xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta.

Kulanka ayaa lagu adkeeyay in ciidamada qalabka sida ay sii laba jibbaari doonaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka, isla markaana ay si dhow ula shaqeyn doonaan maamulka iyo shacabka si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo guul laga gaaro dagaalka ka dhanka ah argagixisada.