Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ayub Ismail Yusuf, oo uu weheliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Azerbaijan, Abdinur Dahir Fidow, ayaa kulan-doceed muhiim ah la yeeshay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Dalalka Khaliijka Carabta (GCC), Jaasim Maxamed Al-Budaywi.
Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Baku, isagoo qeyb ka ahaa Shirka Madasha Caalamiga ah ee Magaalooyinka Adduunka, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo iska warqabka dhinacyada horumarinta magaalooyinka, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo taageeridda qorshayaasha horumarineed ee Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay fursadaha iskaashi ee Soomaaliya ka caawin kara dib-u-dhiska dalka, horumarinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta mashaariic waara oo kor u qaadi kara koboca dhaqaalaha iyo casriyeynta magaalooyinka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid muhiimad gaar ah u leh Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu kusoo dhammaaday is-afgarad iyo natiijooyin wax ku ool ah oo la xiriira xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Golaha Iskaashiga Dalalka Khaliijka Carabta (GCC), gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo maalgashiga.