DFS Oo Itoobiya Ka Soo Iibsaneysa Koronto Jaban

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay meel wanaagsan marayso qorshe ballaaran oo koronto looga soo iibsanayo dalka Ethiopia, si loo yareeyo qiimaha sare ee korontada ka jira magaalooyinka dalka.

Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ka hadlayay Barnaamijka Miisaan, ayaa sheegay in mashruucaasi uu marayo heerar wanaagsan, isla markaana korontada Itoobiya ay Soomaaliya uga soo geli doonto saddex marin oo kala ah deegaanada Galdogob, Wajaale iyo Doolow.

Wasiirka ayaa xusay in mashruucan ay maalgelinayso World Bank, isla markaana qorshuhu yahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan koronto jaban oo tayo leh, taas oo wax weyn ka tari doonta hoos u dhigista kharashaadka nolosha iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in qiimaha korontada laga heli doono mashruucan uu noqon doono qiyaastii shan senti halkii unug ($0.05), taas oo si weyn uga hooseysa qiimaha hadda laga bixiyo korontada magaalooyinka Soomaaliya, oo kamid ah meelaha ugu qaalisan dhinaca korontada ee gobolka.

Dowladda Ethiopia ayaa korontada inteeda badan ka dhalisa tamarta biyaha, iyadoo xilligan koronto jaban siisa dalalka deriska la ah sida Djibouti iyo Kenya. Dowladda Soomaaliya ayaa rajeynaysa in mashruucan uu noqdo mid wax weyn ka beddela xaaladda tamarta dalka iyo horumarka adeegyada bulshada.