Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Oo Qaabilay Madaxa Fulinta Sharciga Ee UNTMIS

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo uu wehliyo Agaasimaha Arrimaha Asluubta ee Wasaaradda Cadaaladda XFS, Maxamuud Isaaq Xasan, ayaa maanta xarunta Taliska Ciidanka Asluubta ku qaabilay Madaxa Fulinta Sharciga iyo Hay’adaha Amniga ee xafiiska UNTMIS, Mrs. Nasrin Khan.

Kulankan oo ahaa mid isbarasho iyo xoojinta wada-shaqeynta ah ayaa labada dhinac waxay isku weydaarsadeen aragtiyo kala duwan oo ku saabsan horumarinta adeegyada la xiriira maxaabiista, tayeynta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo kor u qaadidda hannaanka cadaaladda iyo maamulka xabsiyada dalka.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa si gaar ah uga hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo horumariyo tayada shaqada iyo adeegyada lagu maamulo xarumaha asluubta.

Mrs. Nasrin Khan ayaa uga mahadcelisay Taliska Ciidanka Asluubta sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey xarunta taliska, iyadoo bogaadisay jawiga wadatashiga iyo wada hadalka furan ee lagu falanqeeyey arrimaha muhiimka u ah mustaqbalka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Waxay sidoo kale xustay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada dhinacyada tababarrada, tayeynta adeegyada asluubta iyo horumarinta nidaamka cadaaladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta wada-shaqeynta iyo dardargelinta qorsheyaasha lagu horumarinayo howlaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo xaaladda maxaabiista dalka.