Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa si rasmi ah u daah-furay Machadka Caalamiga ah ee Madaxbannaanida iyo Aqoonsiga Somaliland (Somaliland Independence Recognition Institution), oo ah xarun cilmi-baaris iyo diblomaasiyadeed oo heer caalami ah.
Machadkan cusub ayaa loogu talagalay xoojinta doodaha sharci, taariikheed, siyaasadeed iyo xaqa aaya-ka-tashiga Somaliland, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta cilmi-baarista iyo kor u qaadidda dadaallada la xiriira aqoonsi raadiska Somaliland.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in furitaanka machadkani uu muujinayo bisaylka dowladnimada Somaliland iyo sida ay shacabka Somaliland uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanidooda iyo xaqiijinta himilada aqoonsi buuxa oo caalami ah.
Waxa uu tilmaamay in machadku uu door muhiim ah ka qaadan doono cilmi-baarista, kaydinta iyo faafinta sooyaalka sharci iyo taariikheed ee Somaliland, isla markaana uu noqon doono madal ay ku kulmaan aqoonyahanno, sharci-yaqaanno, diblomaasiyiin, taariikh-yahanno iyo saaxiibbada Somaliland ee caalamka.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale xusay in machadkani uu gacan ka geysan doono xoojinta doodaha aqoonsi raadiska, horumarinta daraasadaha la xiriira nabadda iyo dowlad-dhiska, kobcinta xiriirka hay’adaha caalamiga ah iyo wacyigelinta jiilasha cusub ee ku saabsan qiimaha qarannimada iyo jiritaanka Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay muddo ka badan 35 sano ku naaloonaysay nabad, kala dambayn, dimuqraadiyad iyo dowladnimo shaqaynaysa, taas oo uu sheegay inay Somaliland siinayso xaq sharci iyo mudnaan ay kaga mid noqon karto beesha caalamka.