Masar Oo Ka Digtay Qorshe Safaarad Looga Furayo Qudus

Dowladda Masar ayaa si adag uga hadashay wararka la xiriira qorshe la sheegay in Maamulka Waqooyi Galbeed uu ku doonayo in uu safaarad ka furto magaalada Qudus, iyadoo dowladda Masar ku tilmaantay tallaabadaasi mid xasaasi ah oo saameyn ku yeelan karta xaaladda siyaasadeed ee gobolka Bariga Dhexe.

War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa lagu sheegay in magaalada Qudus ay tahay magaalo la heysto, isla markaana xaaladdeeda sharci iyo siyaasadeed ay weli ku xiran tahay go’aannada iyo heshiisyada caalamiga ah. Dowladda Masar ayaa xustay in mowqifkeedu uu mar walba ku saleysan yahay ilaalinta sharciga caalamiga ah iyo taageerada xuquuqda shacabka Falastiin.

Masar ayaa sidoo kale caddeysay inay si buuxda u taageersan tahay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda ayaa sheegtay in ay ixtiraamayso qaranimada Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in dhammaan arrimaha diblomaasiyadeed lagu wajaho si waafaqsan shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah.

War-saxaafadeedka ayaa lagu muujiyey walaac ku saabsan tallaabo kasta oo keeni karta muran siyaasadeed ama xiisad diblomaasiyadeed, iyadoo Masar ku baaqday in arrimaha noocan oo kale ah lagu xalliyo wadahadal iyo isfaham siyaasadeed. Dowladda Masar ayaa sidoo kale xoojisay xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya iyo sida ay uga go’an tahay taageerada xasilloonida iyo horumarka dalka Soomaaliya.