Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qaasim, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaadatay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Cismaan Cabdullaahi, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa labada hay’adood, gaar ahaan dhinacyada la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha, dabagalka cabashooyinka bulshada iyo kor u qaadidda isla xisaabtanka hay’adaha amniga.
Kulanka ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay sidii loo dejin lahaa hannaan wada-shaqeyn oo rasmi ah, kaas oo u suurtagelinaya Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed inay si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha quseeya dhowrista xuquuqda muwaadiniinta, korjoogteynta xaaladaha dadka lagu hayo goobaha xabsiyada iyo saldhigyada, iyo hubinta in habraacyada sharciyeed la dhowro.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay wafdiga Guddiga, isaga oo tilmaamay in ciidamada boolisku ay muhiimad gaar ah siinayaan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta xiriirka wada-shaqeyneed ee kala dhexeeya hay’adaha dowladda ee arrimahaas u xilsaaran. Waxa uu sheegay in wada-shaqeyn joogto ah ay ka qeyb qaadan karto sare u qaadidda kalsoonida shacabka iyo horumarinta adeegyada amniga ee bulshada loo hayo.
Guddoomiyaha GMXIQ waxaa kulanka ku weheliyay Maxamed Haaruun, Farxaan Maxamed Jimcaale, Cali Maxamed Cilmi iyo Mustaf Axmed Maxamuud, kuwaas oo qeyb ka ahaa wada-hadallada la xiriira qorshaha iskaashiga iyo hababka lagu xoojin karo xiriirka labada dhinac.
Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in la yeesho wada-shaqeyn joogto ah iyo isdhaafsi xogeed oo wax ku ool ah, iyagoo sidoo kale magacaabay xubno farsamo oo ka shaqeeya hirgelinta qorshayaasha la isla meel dhigay si loo xaqiijiyo in tallaabooyinka lagu heshiiyay ay noqdaan kuwo si dhab ah u dhaqan gala.
Gabagabadii kulanka, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, ayaa uga mahadcelisay Taliyaha iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sida ay u soo dhaweeyeen wafdiga Guddiga iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta la xiriirta ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sare u qaadidda kalsoonida bulshada.