Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga Soomaaliya oo Ka Qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah ee Morocco

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdullahi Axmed, ayaa ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum) oo lagu qabtay magaalada Rabat ee dalka Morocco. Madashan oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin heer caalami ah ayaa lagu falanqeeyay arrimo la xiriira kobaca dhaqaalaha, iskaashiga dalalka iyo horumarinta fursadaha maalgashi.

Hal-ku-dhigga madasha sanadkan ayaa ahaa “Structuring Growth: Turning Uncertainty into Opportunity” oo macnaheedu yahay “Qaabeynta Kobaca: Hubanti La’aanta oo Loo Beddelayo Fursado,” iyadoo diiradda la saaray sidii dalalka dunidu uga faa’iideysan lahaayeen caqabadaha jira si loogu beddelo horumar dhaqaale iyo fursado cusub.

Madashan caalamiga ah ayaa waxaa isugu yimid wasiirro, diblomaasiyiin, khubaro dhaqaale, xeel-dheereyaal siyaasadeed iyo wakiillo ka socday hay’ado kala duwan oo caalami ah, kuwaas oo ka wada hadlay arrimo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha caalamka, xoojinta iskaashiga gobolka, maalgashiga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xal u helidda caqabadaha dhaqaale ee dunida maanta wajahaysa.

Intii uu socday kulanka, Wasiir ku-xigeenka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu qeyb ka noqday doodaha la xiriira kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale iyo sidii Soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd fursadaha cusub ee maalgashi iyo iskaashi ee ka jira heer gobol iyo heer caalami. Ka qeybgalka Soomaaliya ee madashan ayaa muujinaya dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto xoojinta xiriirrada dhaqaale iyo raadinta hannaan lagu horumarin karo wax-soo-saarka, ganacsiga iyo warshadaha dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha caalamiga ah iyo hirgelinta qorshayaal lagu taageerayo kobaca dhaqaalaha dalka, horumar waara iyo xasilloonida gobolka, iyadoo la xoojinayo iskaashiga dhinacyada maalgashiga, ganacsiga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.