Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha Garoonka Ciyaaraha ee Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Munaasabadda xarig-jarka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka kala socday heer federaal iyo heer dowlad goboleed, oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada, maamulka degmada, saraakiil amni iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka. Dadka deegaanka ayaa si weyn u bogaadiyay muhiimadda uu garoonkani u leeyahay horumarinta ciyaaraha iyo dhiirrigelinta dhalinyarada.
Mas’uuliyiinta hadallo ay ka jeediyeen munaasabadda ayaa ku nuuxnuuxsaday in dhismaha garoonkani uu qeyb ka yahay dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo adeegyada bulshada, kor loogu qaadayo isdhexgalka bulshada, isla markaana lagu horumarinayo hibada iyo kartida dhalinyarada Gobolka Baay, gaar ahaan degmada Diinsoor.
Waxay sidoo kale sheegeen in mashruucan uu astaan u yahay iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Koonfur Galbeed, isla markaana uu yahay mid ka tarjumaya sida ay uga go’an tahay horumarinta kaabeyaasha bulshada iyo abuurista fursado cusub oo dhalinyarada u horseedi kara mustaqbal wanaagsan.
Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta ayaa hoosta ka xarriiqay in labada dowladood ay sii wadi doonaan taageeridda mashaariicda horumarineed ee lagu horumarinayo adeegyada aas-aasiga ah, isla markaana lagu ballaarinayo fursadaha shaqo iyo kuwa ciyaareed ee dhalinyarada Soomaaliyeed