Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyay safarradii muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu bixi jireen Masar iyada oo la adeegsanayo oggolaanshaha safarka ee loo yaqaan “OK-to-Board”. War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay timid kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay walaac ka muujisay dhibaatooyin soo noqnoqday oo ay la kulmeen qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safray Masar maalmihii iyo toddobaadyadii la soo dhaafay.
Dowladdu waxay sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda dadka Soomaaliyeed ee gaaraya garoomada diyaaradaha ee Masar, kuwaas oo qaarkood lagu xanibay garoomada ama ay caqabado kala kulmeen habraacyada gelitaanka dalkaasi. Sida lagu xusay bayaanka, waxaa jiray dad safarkooda loo oggolaaday kahor bixitaanka balse markii ay gaareen Masar ay la kulmeen hakadyo, wareysiyo dheeraad ah, ama dib u celin la xiriirta sharciyada socdaalka iyo amniga ee dalkaasi.
Hay’addu waxay tilmaantay in hakinta “OK-to-Board” aysan ahayn mamnuucid rasmi ah oo guud ahaan safarka Masar, balse ay tahay tallaabo ku-meel-gaar ah oo lagu doonayo in dib loogu qiimeeyo nidaamka safarka iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay wadahadallo la leedahay mas’uuliyiinta Masar si xal looga gaaro caqabadaha jira loona hubiyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan habraac safar oo cad oo ammaan ah.
“OK-to-Board” waa nidaam ay isticmaalaan shirkado diyaaradeed iyo qaar ka mid ah dowladaha si loo xaqiijiyo in rakaabku haystaan dukumiintiyada saxda ah iyo oggolaanshaha gelitaanka ka hor inta aysan diyaaradda raacin. Badanaa waxaa lala xiriiriyaa dalalka leh xeerar socdaal oo gaar ah, waxaana shirkadaha duulimaadyadu xaqiijiyaan oggolaanshahan kahor safarka.
Hakintan cusub ayaa saameyn karta ardayda, bukaannada caafimaad u taga Masar, ganacsatada, iyo qoysaska Soomaaliyeed ee sida joogtada ah ugu safra dalkaasi. Dadka qorsheynaya safarka Masar ayaa lagu wargeliyay inay la socdaan wararka cusub ee kasoo baxaya dowladda iyo hay’adaha socdaalka, isla markaana ay la xiriiraan shirkadaha diyaaradaha ama safaaradaha kahor inta aysan safar qorsheysan.