Soomaaliya, Masar, Sacuudiga, Qatar, Jordan, Türkiye, Pakistan, Indonesia, Jabuuti, Falastiin, Cumaan, Suudaan, Yemen, Lebanon iyo Mauritania ayaa si wadajir ah u cambaareeyay tallaabada maamulka Waqooyigalbeed ee Soomaaliya uu qorsheynayo inuu xafiis uga furto magaalada Qudus ee la haysto.
Dalalkan ayaa bayaan wadajir ah ku sheegay in tallaabadaasi ay ka hor imaaneyso sharciga caalamiga ah iyo mowqifka ay dalalka Islaamka iyo beesha caalamku ka taagan yihiin xaaladda magaalada Qudus. Waxay carrabka ku adkeeyeen in Qudus ay tahay magaalo ay leeyihiin shacabka reer Falastiin, islamarkaana aan la aqbali karin wax tallaabo ah oo wax ka beddelaysa xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee magaaladaasi.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay taageerada dalalkaasi ay u hayaan shacabka Falastiin iyo xaqooda ay u leeyihiin inay dhistaan dowlad madax-bannaan oo caasimaddeedu tahay Bariga Qudus. Waxay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan qaraarrada Qaramada Midoobay iyo heshiisyada caalamiga ah ee la xiriira arrinta Falastiin.
Dowladaha cambaareeyay qorshahan ayaa tilmaamay in tallaabo kasta oo lagu taageerayo qabsashada ama lagu sharciyeynayo maamulka Israa’iil ee magaalada Qudus ay sii hurin karto xiisadda gobolka Bariga Dhexe, isla markaana dhaawici karto dadaallada nabadeed ee muddada dheer socday.
Arrintan ayaa dhalisay falcelin siyaasadeed iyo dood ballaaran oo ka dhex taagan dalalka Islaamka iyo bulshada caalamka, iyadoo dalal badan ay dib u xusuusiyeen mowqifkooda ku aaddan ilaalinta xuquuqda shacabka Falastiin iyo muhiimadda ay leedahay in la dhowro xaaladda taariikhiga ah ee magaalada Qudus.