Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan waaxda dambi-baarista ee CID ayaa gacanta ku dhigtay eedeysane lagu magacaabo Cabdifitaax Shaafici Daahir, kaas oo loo haysto dil iyo dhaawac ka dhacay degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen laamaha ammaanka, eedeysanaha ayaa si arxan darro ah u dilay marxuum Cali Faarax Daahir Wabi oo 60 jir ahaa, sidoo kalena dhaawacay Cabdi Jimcaale Garood. Falkaasi ayaa dhacay taariikhdu markii ay ahayd 20-ka May 2026, waxaana uu si weyn uga naxsiiyay bulshada deegaanka.
Kadib markii uu falka geystay ayuu eedeysanuhu ka baxsaday Gobolka Hiiraan, hase yeeshee ciidamada CID ayaa bilaabay baaritaanno iyo howlgallo lagu baadi goobayay. Ugu dambeyn ciidamada ayaa ku guuleystay inay ku qabtaan deegaanka Ceelmacaan xilli uu si dhuumaaleysi ah ugu safrayay gaari.
Saraakiisha CID ayaa sheegay in baaritaanno dheeraad ah ay weli socdaan si loo dhammeystiro kiiska looguna gudbiyo hay’adaha garsoorka. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in eedeysanaha la horgeyn doono cadaaladda si loo marsiiyo sharciga dalka.
Howlgalkan lagu soo qabtay eedeysanaha ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ku xoojinayaan sugidda amniga iyo la dagaallanka dambiyada ka dhaca dalka.