Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku yeeshay kulan ballaaran oo ay la qaateen Guddoomiyeyaasha Gobollada Puntland.
Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta amniga guud ee deegaanada Puntland, dardargelinta qorsheyaasha horumarineed ee dowladda, ballaarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, iyo sare u qaadista maamul-wanaagga gobollada. Mas’uuliyiinta sare ee dowladda ayaa sheegay in muhiimadda koowaad la siinayo isku xirka hay’adaha heer gobol iyo kuwa dhexe si loo dardargeliyo adeeg bixinta.
Madaxweynaha ayaa kulanka ku dhageystay warbixinno kala duwan oo ay soo jeediyeen Guddoomiyeyaasha Gobollada, kuwaas oo si faahfaahsan uga xog warramay xaaladda guud ee gobollada. Warbixinahaas ayaa si gaar ah u taabanayay xaaladda amniga, horumarka ka socda deegaanada, mashaariicda socota iyo kuwa qorsheysan, iyo sidoo kale baahiyaha adeeg ee ka jira deegaannada qaar. Sidoo kale waxaa la falanqeeyay saameynta xaaladaha nololeed iyo arrimaha la xiriira abaarta ka jirta qeybo ka mid ah gobollada.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku adkeeyay Guddoomiyeyaasha Gobollada inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo horumar joogto ah. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dowladdu ay ka go’an tahay dardargelinta adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Ugu dambeyn, Madaxtooyada Puntland ayaa Guddoomiyeyaasha Gobollada ku wareejisay gaadiid cusub oo loogu talagalay fududeynta shaqooyinka maamulka iyo kor u qaadista adeegyada bulshada ee gobollada. Gaadiidkan ayaa la sheegay in uu kaalin ka qaadan doono dardargelinta isku xirka maamulka iyo bulshada deegaanka.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, iyo La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dadweynaha, kuwaas oo dhammaantood ku biiray qiimeynta xaaladda guud iyo qorsheynta howlaha horumarineed ee socda.