Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Cabdullaahi Xuseen Ciro, iyo Taliyaha Qeybta 60-aad ee isla ciidanka, Gaashaanle Dhexe Isxaaq Aadan (Isxaaq Berdaale), ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiisha Qeybta 60-aad ee CXDS, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta howlgalada ka socda dalka.
Kulankan ayaa ahaa mid is xogwareysi iyo dardargelin ah, waxaana si gaar ah looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa howlaha lagu sugayo nabadgelyada, loona horumarin lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa saraakiisha iyo ciidamada kala duwan ee Qeybta 60-aad. Saraakiisha kala duwan ee ka qeybgalay kulanka ayaa soo bandhigay warbixino la xiriira xaaladda amniga iyo howlaha soconaya ee gobolka ay ka howlgalaan.
Intii kulanku socday, waxaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay si buuxda ugu diyaar garoobaan gudashada waajibaadka qaran ee saaran, isla markaana ay muujiyaan feejignaan sare oo ku aaddan ilaalinta amniga shacabka iyo ka hortagga khatar kasta oo amni-darro keeni karta.
Taliyeyaasha kulanka hogaaminayay ayaa bogaadiyay dadaalka ay wadaan saraakiisha iyo ciidamada Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo ku ammaanay doorkooda difaaca dalka iyo sugidda amniga shacabka Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale ku booriyeen in la sii laba jibbaaro howlgalada socda si loo xaqiijiyo xasillooni iyo nabad waarta.