Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta kulan dhiirigelin ah la qaatay qaar kamid ah haweenka ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala cutubyada Daraawiishta iyo Ciidanka Galeyr, kuwaas oo door muuqda ku leh sugidda amniga iyo ilaalinta xasilloonida dalka.
Taliyaha ayaa kulanka intii uu socday ku muujiyay mahadcelin iyo ammaan uu u jeediyay haweenka ciidanka, isaga oo xusay sida ay uga dhex muuqdaan howlaha adag ee amniga, isla markaana ay si firfircoon uga qeyb qaataan dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada guud ee dalka. Waxa uu sheegay in joogitaanka haweenka ee safka hore ee ciidanka ay tahay astaan muujinaysa horumarka iyo casriyeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay tababarada iyo aqoon kororsiga joogtada ah ee loo sameeyo ciidamada, kuwaas oo haweenku si buuxda uga faa’iideystaan. Waxa uu tilmaamay in kor u qaadista xirfadaha ciidanka ay muhiim u tahay tayeynta adeegyada booliska iyo kordhinta kalsoonida shacabka.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in istaraatiijiyadda hoggaanka cusub ee ciidanka ay mudnaanta koowaad siiso ka qeybgalka haweenka, maadaama ay yihiin laf-dhabar muhiim u ah howlaha amniga, isla markaana ay door weyn ka qaataan horumarinta iyo tayeynta guud ee ciidanka. Waxa uu ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaalkooda, kana sii shaqeeyaan ilaalinta sharciga iyo sugidda amniga bulshada.
Ugu dambeyntii, Taliyaha ayaa ku ammaanay haweenka ciidanka daacadnimada, hufnaanta iyo adkeysiga ay muujiyaan, isaga oo sheegay in sifooyinkaas ay sare u qaadayaan sumcadda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayna yihiin kuwa lagu daydo oo door muhiim ah ka leh mustaqbalka amniga dalka.