Dufcadda 12-aad Ee Kumaandooska Danab Oo Tababar Looga Furay Bali-doogle

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) isla markaana Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, ayaa maanta si rasmi ah u furay tababarka Dufcadda 12-aad ee Kumaandooska Danab, kuwaas oo lagu tababarayo Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure ee deegaanka Bali-doogle. Furitaanka tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tayada iyo awoodda ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska Danab, kuwaas oo door muhiim ah ku leh hawlgallada amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa goob joog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay kamid yihiin Gen. Axmed Ciise Axmed, Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktariinka XDS, iyo Col. Cabdicasiis Xuseen Maxamed, Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab. Sidoo kale waxaa munaasabadda ka qayb galay madax ka socotay saaxiibada caalamiga ah, saraakiil ka tirsan howlgalka Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSOM), iyo ciidamada Uganda People’s Defence Force (UPDF), kuwaas oo taageero dhinaca tababarka iyo amniga ah la garab taagan Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Col. Cabdicasiis Xuseen Maxamed ayaa dufcadda cusub ku dhiirrigeliyay inay si dhab ah ugu dadaalaan himiladooda, isagoo xusay in marxaladda ay gelayaan ay tahay mid adag oo u baahan adkaysi, anshax iyo karti ciidan. Wuxuu tilmaamay in askartan cusub la siin doono tababaro heer sare ah oo sare u qaadaya xirfadaha dagaal, difaac iyo diyaar garowga hawlgallada gaarka ah.

Dhankiisa, Gen. Axmed Ciise Axmed ayaa sheegay in tababarkan uu qeyb muhiim ah ka yahay qorshaha lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay tayada tababarka iyo kobcinta aqoonta ciidanka si loo helo ciidan awood leh oo waajibaadkooda si hufan u gudan kara.

Ugu dambayn, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka tababarka Dufcadda 12-aad ee Kumaandooska Danab, isagoo bogaadiyay dhalinyarada go’aansatay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuna dhiirrigeliyay inay muujiyaan waddaniyad, adkaysi iyo dadaal joogto ah inta uu tababarku socdo.

Gabagabadii munaasabadda, taliyaha ayaa kormeer ku sameeyay goobaha tababarka ciidamada si uu ugu kuurgalo xaaladda xarunta iyo habsami u socodka tababarka. Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure ayaa kamid ah xarumaha ugu muhiimsan ee lagu tababaro Kumaandooska Danab, kuwaas oo door weyn ka qaatay sugidda amniga dalka iyo hawlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.