Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Qorsheynta Oo Booqday Baarlamaanka Iyo Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Waqooyi Bari

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa booqasho shaqo ku tagay laba xarumood oo muhiim ah oo ka tirsan maamulka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, kuwaas oo kala ah Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ee maamulkaasi iyo xarunta Golaha Baarlamaanka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Booqashada ayaa qayb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta u dhaxaysa dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dardargelinta qorshayaasha horumarineed, tayeynta maamulka iyo kor u qaadidda adeegyada bulshada si loo taageero hirgelinta qorshayaasha iyo ajendayaasha horumarineed ee dalka.

Intii lagu guda jiray kulamada, waxaa laga wada hadlay muhiimadda iskaashiga dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada ee dhinacyada qorsheynta, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isu-duwidda mashaariicda horumarineed, si loo xaqiijiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo waxtar leh iyo horumar waara oo gaara dhammaan deegaannada dalka.

Agaasimaha Guud waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Aadan Maxamed Cabdi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, iyo Cismaan Aadan Xuseen, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, kuwaas oo ay weheliyeen masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Dhankiisa, Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta iyo howl-wadeennada Wasaaradda soo dhoweynta diirran iyo wada-shaqeynta wanaagsan ee ay muujiyeen, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka shaqo iyo iskaashiga dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada si loo gaaro horumar mideysan iyo adeegyo tayo leh oo bulshada loo fidiyo.