Wasaaradda Caafimaadka Oo Xustay 58 Sano Guurada Isbitaalka Madina

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka qayb gashay munaasabadda weyn ee lagu xusayay 58 sano guurada ka soo wareegtay aas-aaska Isbitaalka Madina, oo ka mid ah xarumaha caafimaad ee laf-dhabarka u ah adeegyada caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.

Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay masuuliyiin heer qaran ah oo ay kamid yihiin Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Abdullahi Sheikh Ismael (Fartaag), xildhibaano ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, ururada bulshada rayidka, iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Intii ay socotay munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Isbitaalka Madina, laga soo bilaabo aas-aaskiisii ilaa heerka uu maanta taagan yahay, iyadoo si gaar ah loo muujiyay guulaha waaweyn ee uu gaaray, horumarada dhinaca adeegyada caafimaadka, iyo kaalinta uu ku leeyahay badbaadinta nolosha shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay qorshayaal cusub oo muujinayay himilooyinka horumarineed ee mustaqbalka isbitaalka, kuwaas oo diiradda saaraya tayeynta adeegyada caafimaadka iyo ballaarinta adeegyada bulshada.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu guddoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino qaar ka mid ah hormuudka iyo shaqaalaha Isbitaalka Madina, kuwaas oo lagu ammaanay dadaalkooda joogtada ah, kartidooda iyo sida ay ugu heellan yihiin u adeegidda bulshada Soomaaliyeed. Abaalmarinnadan ayaa ahaa kuwo lagu dhiirrigelinayay shaqaalaha caafimaadka si ay u sii laba-jibbaaraan dadaalkooda.

Ugu dambayn, Wasiir Dowlaha Caafimaadka Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa u hambalyeysay maamulka iyo dhammaan howl-wadeennada isbitaalka, iyadoo ku boorisay inay sii wadaan dadaalkooda iyo shaqada adag ee ay bulshada u hayaan si loo gaaro adeeg caafimaad oo tayo sare leh. Waxay sidoo kale xustay in shaqaalaha caafimaadku ay yihiin laf-dhabarka adeegyada caafimaad ee dalka, ayna Wasaaraddu mar walba diyaar u tahay taageerada iyo horumarinta adeegyada uu bixiyo Isbitaalka Madina si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee bulshada.