Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdulfatah Kasim Mohamud ayaa shacabka caasimadda kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo Masjidka Jaamac ee degmada Shangaani ee magaalada Mogadishu, halkaas oo boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ay isugu yimaadeen gudashada salaadda iyo dabaaldegga munaasabadda barakaysan ee Ciidda. Jawiga munaasabadda ayaa ahaa mid ay ka muuqatay farxad, walaaltinimo iyo isu soo dhawaansho bulsho, iyadoo dadweynuhu ay si wadajir ah ugu cibaadaysanayeen maalintan qiimaha weyn ku leh Muslimiinta.
Wasiirka ayaa salaadda kaddib shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo, isaga oo u rajeeyay caafimaad, nabad iyo barwaaqo, isla markaana Alle uga baryay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu ku manneysto xasillooni, horumar waara iyo amni sugan. Waxa uu tilmaamay in Ciiddu tahay munaasabad muhiim u ah xoojinta xiriirka bulshada, iscafinta, walaaltinimada iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa sheegay in waqtiyada barakaysan ee noocan oo kale ah ay muhiim tahay in bulshada Soomaaliyeed ay muujiyaan isku xirnaan, taageero iyo is-garab istaag, gaar ahaan dadka nugul iyo qoysaska danta yar ee u baahan garab istaag iyo daryeel bulsho. Waxa uu shacabka ugu baaqay inay sii xoojiyaan dhaqamada wanaagsan, isku tanaasulka iyo taageerada ka dhexeysa bulshada si loo gaaro bulsho nabdoon oo horumarsan.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka, isaga oo ku bogaadiyay ciidamada ammaanka iyo hay’adaha dowladda dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in nabadgalyadu ay tahay saldhigga ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar dhaqaale, adeegyo bulsho oo tayo leh iyo dowladnimo adag.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa mar kale shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Ciidda Carafo, isaga oo Alle uga baryay in Soomaaliya uu ku gallado nabad, barwaaqo, midnimo iyo mustaqbal wanaagsan oo ay shacabka Soomaaliyeed ku wada noolaadaan xasillooni iyo horumar joogto ah.