Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Ka Qaybgalay Tukashada Salaadda Ciidul-Adxaa ee Garoowe

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Mudane Ilyas Osman Lugatoor ayaa maanta dadweynaha caasimadda kula tukaday Salaadda Ciidul-Adxaa Garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare Stadium ee magaalada Garowe, halkaas oo boqolaal ka mid ah shacabka ay isugu yimaadeen si ay u gutaan waajibaadka salaadda Ciidda una muujiyaan farxadda munaasabadda barakaysan. Jawiga goobta ayaa ahaa mid ay ka muuqatay reynreyn, wadajir iyo is-dhexgal bulsho, iyadoo shacabka caasimaddu ay si weyn uga qeyb qaadanayeen dabaaldegga maalinta Ciidda.

Munaasabadda salaadda waxaa ka qeybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Puntland, oo ay ku jiraan Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland, Mudane Ahmed Elmi Osman Karaash, isimmo dhaqameed uu ka mid yahay Islaan Ciise Islaan Maxamed, saraakiisha laamaha amniga, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, maamulka gobolka Nugaal, maamulka degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee bulshada caasimadda.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ayaa munaasabadda kaddib shacabka ugu hambalyeeyey Ciidul-Adxaa, isaga oo Alle uga baryey in uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku manneysto nabad, xasillooni, horumar iyo barwaaqo waarta. Waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada ay xoojiyaan wadajirka, is-garab istaagga iyo ilaalinta nabadda, si loo sii adkeeyo horumarka iyo dowladnimada.

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa bogaadiyey ciidamada ammaanka ee u taagan ilaalinta xasilloonida iyo sugidda amniga shacabka, isaga oo bulshada ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo ilaaliyo deganaanshaha iyo wada noolaanshaha bulshada.

Ugu dambeyn, waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimada, wadajirka iyo taageerada bulshada dhexdeeda, si Soomaaliya ay u gaarto mustaqbal ay ku dheehan tahay nabad, horumar iyo dowladnimo xooggan.