Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Dr. Sidi Ould Tah, intii lagu guda jiray shirarka sanadlaha ah ee bangiga oo ka socda magaalada Brazzaville.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray guulaha muuqda ee Soomaaliya ka gaartay dib-u-habaynta dhaqaalaha, xoojinta nidaamyada maaliyadeed, kobcinta dakhliga gudaha, iyo dadaallada lagu horumarinayo jawiga maalgashi ee dalka. Wasiirka Maaliyadda ayaa Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika la wadaagay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada maareynta dhaqaalaha, dib-u-habeynta hay’adaha maaliyadda, iyo qorshayaasha lagu dardargelinayo koboca dhaqaale ee waara.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay fursadaha cusub ee maalgashi iyo taageerada horumarineed ee Soomaaliya u baahan tahay, iyadoo si gaar ah loo xusay muhiimadda ay leedahay maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, iyo mashaariicda abuuri kara shaqooyin cusub oo dhalinyarada Soomaaliyeed fursado u horseeda.
Kulanka waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay doorka muhiimka ah ee Bangiga Horumarinta Afrika ku leeyahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, xoojinta awoodda hay’adaha dowladda, horumarinta dhaqaalaha, iyo maalgelinta mashaariicda istaraatiijiga ah ee gacan ka geysan kara kobaca iyo xasilloonida dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay sii wadidda dib-u-habaynta dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga gudaha iyo dibadda, kobcinta dakhliga qaranka, iyo abuurista jawi dhaqaale oo horseeda shaqo-abuur iyo horumar waara. Dowladda ayaa sidoo kale muujisay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah si loo gaaro yoolalka horumarineed ee dalka.
Dhankiisa, Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika ayaa bogaadiyay dadaallada Soomaaliya ay ku xaqiijisay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo horumarka maamul wanaagga, isaga oo carrabka ku adkeeyay in bangigu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya si loo dardargeliyo mashaariicda horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha qaranka.
Bangiga Horumarinta Afrika ayaa weli ah saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya ku taageera dadaallada dib-u-dhiska, horumarinta adeegyada muhiimka ah, iyo xoojinta awoodda dhaqaale ee dalka, iyadoo wada shaqeynta labada dhinac ay muhiim u tahay xaqiijinta mustaqbal dhaqaale oo wanaagsan oo shacabka Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan.