Kusimaha Taliyaha CXDS ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyeen saraakiil sare oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa Xarunta Taliska Xoogga ku soo dhaweeyay wafdi ka socday Dowladda Talyaaniga, kaas oo uu wehlinayay Military Attaché-ga Dowladda Talyaaniga.
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada ciidanka, iyo taageerada dib-u-dhiska hay’adaha amniga dalka. Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada shaqeynta milatari, kor u qaadidda tayada ciidanka, iyo sidii loo dardargelin lahaa taageerada farsamo iyo tababarrada la xiriira horumarinta awoodda ciidamada.
Kusimaha Taliyaha CXDS ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda iyo taageerada joogtada ah ee Dowladda Talyaaniga ay siiso Soomaaliya, isagoo tilmaamay in iskaashiga dhinaca amniga uu door muhiim ah ka qaato xasillinta dalka iyo horumarinta awoodda difaaca qaranka.
Dhankooda, wafdiga Dowladda Talyaaniga ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tayeynta ciidamada, tababarrada, iyo xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dowladood.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta xiriirka wada shaqeyneed iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta awoodda ciidanka, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara iyo xasillooni guud oo dalka ka hanaqaada.