Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Oo Maxkamad Loo Soo Taagay

Xafiiska Xeer ilaalinta ciidammada Qalabka sida ayaa maxkamadda darajada 1-aad horkeennay caddeymaha dambiyadii lagu soo eedeeyey 18 xubnood oo ka tirsanaa guutada 14- October ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Eedeymaha ay xeer ilaalintu keentay waxaa ka mid ahaa in 18-kaan xubnood ay ku kaceen falal ka hor imaanaya sharuucda ciidanka, sida isticmaalka Balwadda, abaabulka iyo marin habaabinta Guutada dhexdeeda, taas oo ay ku weyn karaan ka mid ahaanshaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xeer ilaaliyah guud ee ciidamada qalabka sida ayaa ugu dambeyn maxkamadda ka codsaday iyadoo la ilaalinyo midnimada ciidamada in ciqaab adag la mariyo raggan si kuwa kale ay ugu tusaala qaataan…Cod

Qareenkii difaacayay eedeysanaha ayaa ku dooday in balwad aysan jirin sharci guud oo wadanka dhan ka mamnuucayo taasina aysan ku muteysan ciqaab adag,…cod

Ugu dambeyn fadhiga Maxkamadda waxaa soo xiray guddomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute)  waxa uu u sheegay dhammaan ka qeybgalayaasha dacwadda in fadhiga xiran-yahay oo ay go’aanka dib ka soo saari doonto maxkamadda.

Guutada 14-ka October ayaa la’aas-aasay keddib weerarkii dadka badani ku dhinteen ee  ka dhacay isgoyska 14-ka October Ex Soobe ee Magaalada Muqdisho sanadkii tegay.