Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Omar Ali Abdi oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee dalka Russia, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Ruushka, Mudane Vasily Osmakov, si ay uga wada hadlaan arrimo la xiriira xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinaca difaaca iyo amniga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo dan-wadaag u ah labada dowladood, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinaca difaaca, tababarrada ciidamada, isdhaafsiga khibradaha iyo horumarinta xiriirka amni ee labada dal. Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn wax-ku-ool ah oo gacan ka geysan karta xoojinta awoodaha difaaca iyo amniga.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda sii wadidda wada-hadallada joogtada ah iyo iskaashi ku dhisan isfaham iyo dano wadajir ah, iyaga oo muujiyay rabitaan siyaasadeed oo lagu horumarinayo laguna xoojinayo xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Ruushka.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso xoojinta xiriirrada caalamiga ah ee taageeraya dib-u-dhiska hay’adaha amniga iyo kor u qaadista awoodda ciidamada dalka, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni.
Dhankiisa, Wasiir Ku-xigeenka Difaaca Ruushka ayaa muujiyay sida ay Dowladda Ruushku u danaynayso sii xoojinta xiriirka iskaashi ee kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada shaqeynta labada dal ee dhinacyada muhiimka u ah horumarka amniga iyo difaaca.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii wadidda wada shaqeynta iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo difaac ee labada dowladood, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen rajo ku aaddan mustaqbal iskaashi oo sii xoogeysanaya.