Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa maanta magaalada Baydhabo kulan muhiim ah kula yeeshay laamaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyadoo ay wehliyeen xubno ka tirsan guddiga iyo Xoghayaha Guud.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo Guddiga Doorashooyinka si loo xaqiijiyo jawi amni oo deggan inta lagu guda jiro diyaar-garowga iyo qabsoomidda doorashada Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Mas’uuliyiintii ka qeyb galay kulanka ayaa si gaar ah uga wada hadlay qorshayaasha lagu sugayo amniga goobaha doorashada, ilaalinta shaqaalaha doorashada iyo xaqiijinta in geeddi-socodku u dhaco si nabad ah.
Intii uu socday kulanka, waxaa la isku raacay muhiimadda ay leedahay isku dubbaridka howlaha amniga, kor u qaadista feejignaanta ciidamada, iyo qaadista tallaabooyin looga hortagayo wax kasta oo carqaladeyn kara doorashada. Sidoo kale, waxaa la adkeeyay doorka ay laamaha amniga ku leeyihiin sugidda xasilloonida iyo ilaalinta kalsoonida shacabka ee geeddi-socodka doorashada.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa caddeeyay inuu sii laba-jibbaarayo dadaallada lagu xaqiijinayo in doorashada Koonfur Galbeed ay ku qabsoonto si xor ah, hufan, daahfuran oo waafaqsan shuruucda, xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka dalka, si shacabka iyo dhammaan saamileyda siyaasadeed ay u helaan doorasho lagu kalsoonaan karo.