Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Danjire Salaad Cali Jeelle U Magacaabay Lataliyaha Sare Ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Mudane Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha, iyadoo magacaabistan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo howlaha talo-bixinta, qorsheynta, isku-dubbaridka iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa muddo dheer kasoo shaqeeyay adeegga qaranka, isagoo soo qabtay xilal kala duwan isla markaana leh waayo-aragnimo iyo aqoon durugsan oo la xiriirta arrimaha dowlad-dhiska iyo maamulka guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Lataliyaha cusub khibraddiisa, dadaalkiisa iyo doorkii muuqday ee uu ka qaatay u adeegidda shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyay kalsoonida uu ku qabo in Danjire Salaad Cali Jeelle uu si hufan oo karti leh uga soo bixi doono mas’uuliyadaha cusub ee loo igmaday.

Gabagabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryay Danjire Salaad Cali Jeelle inuu ku guuleeyo gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla, isaga oo kula dardaarmay inuu Qaranka ugu adeego daacadnimo, hufnaan iyo karti.