Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Kulan La Qaatay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan shaqo la yeeshay agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, si dib loogu qiimeeyo howlaha shaqo ee socda loogana wada hadlo mudnaanta diblomaasiyadeed ee muhiimka ah ee dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista waxqabadka Wasaaradda, horumarka laga gaaray qorshayaasha shaqo ee hore loo dejiyay, iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay kula macaamilayso beesha caalamka. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada diblomaasiyadeed ee Wasaaradda.

Wasiirka ayaa agaasimayaasha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan dadaallada diblomaasiyadeed ee socda, xiriirrada Soomaaliya la leedahay dalalka saaxiibka la ah iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo qorshayaasha lagu xoojinayo doorka Soomaaliya ee fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta gudaha Wasaaradda, isku-xirnaanta waaxyaha kala duwan, iyo kor u qaadista tayada shaqada si loo gaaro himilooyinka siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale bixiyay tilmaamo lagu dardargelinayo fulinta qorshayaasha mudnaanta leh iyo sidii loo xaqiijin lahaa hufnaan, isla xisaabtan iyo adeeg hufan.

Agaasimeyaasha waaxyaha ayaa dhankooda soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha ay gacanta ku hayaan, guulaha la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay fulinta waajibaadka Wasaaradda iyo taageeridda himilooyinka dowladda.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo hufnaanta shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, korna loogu qaadayo isku-duwidda howlaha, si loo xoojiyo matalaadda Soomaaliya ee caalamka loona dardargeliyo hirgelinta ajendayaasha diblomaasiyadeed ee dalka.