Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Maxamed Aamiin Sheekh Cusmaan, ayaa maanta magaalada Riyaad kulan muhiim ah kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), Mudane Jassim Mohammed Al-Budaiwi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah loo falanqeeyay sidii loo sii adkeyn lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa Golaha Iskaashiga Khaliijka iyo Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay iskaashi ku saleysan danaha wadajirka ah, xasilloonida gobolka iyo horumar waara.
Danjire Maxamed Aamiin Sheekh Cusmaan ayaa uga mahadceliyay Golaha Iskaashiga Khaliijka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo horumarinta dhaqaalaha. Wuxuu sidoo kale adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dowladaha Khaliijka.
Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, Mudane Jassim Mohammed Al-Budaiwi, ayaa caddeeyay in dowladaha xubnaha ka ah Golaha ay si buuxda u taageersan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay garab taagan yihiin dadaallada lagu xoojinayo amniga, midnimada, xasilloonida iyo madaxbannaanida dalka.
Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo xiriirka diblomaasiyadeed, si loo gaaro himilooyinka horumarineed iyo danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo dalalka Khaliijka.