Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka Shiinaha oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta wada shaqeynta dhinacyada difaaca iyo amniga, iyadoo la isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo taageerada lagu horumarinayo awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay ballaarinta fursadaha tababarrada ciidamada, kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ciidamada, iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa dadaallada lagu dhisayo hay’adaha amniga Qaranka.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarineed iyo kaalinta ay ka qaadato dib u dhiska hay’adaha dowladda. Dhankiisa, Danjire Wang Yu ayaa xaqiijiyay sida ay dowladda Shiinaha uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay nabadgelyada iyo xasilloonida Soomaaliya si loo gaaro horumar waara.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay saaxiibbada caalamiga ah, si loo dardargeliyo horumarka amniga, difaaca iyo dib u dhiska dalka.