Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo WFP oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Sugnaanta Cuntada

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka Wakiilka World Food Programme (WFP) ee Soomaaliya, Marwo Rainatou Baillet, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adda, kuwaas oo uu hoggaaminayay madaxa xafiiska WFP ee Puntland, Mudane Richard.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Puntland iyo WFP, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, taageerada bulshada nugul, iyo horumarinta wax soo saarka beeraha si loo xaqiijiyo sugnaanta cuntada iyo isku filnaanshaha bulshada.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa uga mahadceliyay WFP taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Puntland, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta xilligan ay dunidu wajahayso hoos u dhac ku yimid deeqaha caalamiga ah. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in laga gudbo gargaar ku meel-gaar ah, loona jiheysto mashaariic horumarineed oo horseeda xalal waara oo dhanka sugnaanta cuntada ah.

Dhankooda, masuuliyiinta WFP ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan yihiin Puntland, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee hay’adaha dowladda si loo gaaro natiijooyin waara oo wax ku ool ah.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada ee Qurbejoogta iyo Dib-u-dejinta iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, kuwaas oo ka qeyb qaatay doodaha la xiriira horumarinta mashaariicda sugnaanta cuntada iyo taageerada bulshada.