Wasiir Cali Xoosh oo Daahfuray Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Xoosh, ayaa si rasmi ah u daahfuray Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, taas oo ay ka qeyb galeen maayarrada degmooyinka dalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeediyay furitaanka madasha ku sheegay in dowladaha hoose ay laf-dhabar u yihiin adeegyada bulshada iyo horumarka deegaanka, isagoo xusay in maayarradu ay maalin kasta la tacaalaan baahiyaha shacabka, horumarinta adeegyada aasaasiga ah, kobcinta dhaqaalaha deegaanka iyo ilaalinta wadajirka bulshada.

“Guusha dowladaha hoose waa guusha dowladda guud ahaan,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh, isagoo tilmaamay in dowladaha hoose ay door muhiim ah ku leeyihiin gaarsiinta adeegyada dadweynaha iyo horumarinta nolosha bulshada.

Wasiirka ayaa sidoo kale adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta nidaamka maamul-daadejinta iyo adeeg-baahinta, si awoodaha maamulka, dhaqaalaha iyo go’aan qaadashadaba loogu wareejiyo degmooyinka dalka. Waxa uu xusay in wasaaraddu sanadihii la soo dhaafay hirgelisay barnaamijyo iyo qorshayaal lagu kordhinayo awoodda dowladaha hoose.

Mudane Cali Xoosh ayaa sheegay in Madasha Maayarrada Soomaaliya ay noqotay goob muhiim ah oo lagu falanqeeyo caqabadaha, fursadaha iyo xalalka la xiriira horumarinta degmooyinka, isagoo xusay in tani ay tahay markii saddexaad ee wasaaraddu qabato kulankan heer qaran.

Gabagabadii, wasiirka ayaa ku boorriyay ka qeybgalayaasha inay madasha uga faa’iideystaan is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta maamulka degmooyinka, isla markaana la xoojiyo wada shaqeynta iyo hal-abuurka lagu horumarinayo adeegyada bulshada. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in degmooyinka lagu qiimeyn doono waxqabadkooda, heerka abaabulka bulshada iyo dadaallada ay ku horumarinayaan adeegyada ay bixiyaan.