Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska oo Ka Hadashay Sababta Garsoore Cumar Cartan Uga Baaqday Tartanka Caalamiga ah

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadashay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalami, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartan kubadda cagta ah oo caalami ah oo ka socda dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaraddu ayaa lagu sheegay inay si weyn uga xun tahay in Garsoore Cumar Cartan uu ka maqnaado tartanka, kaddib markii uu la kulmay caqabado la xiriira helitaanka oggolaanshaha gelitaanka dalka Mareykanka. Arrintan ayaa timid xilli Cumar Cartan loo asteeyay inuu ka mid noqdo garsoorayaasha ka qeybgalaya tartanka, taasoo ahayd fursad kale oo uu ku matali lahaa Soomaaliya masraxa ciyaaraha caalamiga ah.

Wasaaraddu waxay sheegtay in markii la xaqiijiyay caqabadda haysata Garsooraha, ay si degdeg ah u billowday dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayay in xal loogu helo arrinta. Dadaalladaas waxaa iska kaashaday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo hay’ado kale oo dowladda ka tirsan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, dowladda Soomaaliya waxay xiriirro iyo wada-hadallo la yeelatay Dowladda Mareykanka iyo xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, si loo fududeeyo safarka Garsoore Cumar Cartan ugana qeyb galo tartanka. Hase yeeshee, inkastoo ay jireen dadaallo xooggan iyo wadahadallo badan, ma aysan suuragelin in xal kama dambeys ah laga gaaro arrintaas.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ayaa tilmaantay in Garsoore Cumar Cartan uu yahay shaqsi ka dhex muuqday garsoorka kubadda cagta ee caalamka, isla markaana uu tusaale u yahay kartida, dadaalka iyo adkeysiga ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxay xustay in heerka uu gaaray uu ka tarjumayo awoodda iyo hibada ay leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo marar badan ku guuleystay inay ka gudbaan caqabado badan oo ka jira dalka.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay sheegtay in guulaha uu gaaray Cumar Cartan ay sharaf weyn u yihiin Soomaaliya, islamarkaana ay kor u qaadeen sumcadda dalka ee dhinaca ciyaaraha iyo garsoorka caalamiga ah. Waxay intaa ku dartay in horumarka uu sameeyay uu caddeyn u yahay in duruufaha adag aysan hor istaagi karin qofka leh karti, hami iyo dadaal joogto ah.

Wasaaradda ayaa mar kale xaqiijisay inay si buuxda u garab taagan tahay Garsoore Cumar Cartan, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada la xiriirta horumarintiisa xirfadeed iyo ka qeybgalka fursadaha kale ee caalamiga ah ee mustaqbalka. Waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siin doonto dhiirrigelinta iyo taageerada bahda isboortiska si loo abuuro jiil cusub oo Soomaaliya ku matala fagaarayaasha caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ayaa u mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed, bahda ciyaaraha, ururrada isboortiga iyo dhammaan dadka muujiyay taageerada iyo garab istaagga ay u muujiyeen Garsoore Cumar Cartan intii ay socotay arrintan. Waxay ku baaqday in la sii xoojiyo taageerada loo hayo haldoorka Soomaaliyeed ee dalkooda ku metela heerarka caalamiga ah, si loo dhiirrigeliyo dadaallada iyo guulaha ay gaaraan.