Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Cali, iyo Madaxa Hay’adda FCDO ee Soomaaliya, Mudane Chris Pycroft, ayaa si wadajir ah u guddoomiyay kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya (SSF).
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, hay’adaha horumarinta iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah, kuwaas oo ka wada hadlay qorshayaasha iyo mudnaanta lagu horumarinayo xasilinta iyo dowlad-dhiska dalka.
Intii uu socday shirka, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dib-u-eegista qorshayaasha shaqo ee sannadka afraad ee Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya (SSF), si loo xaqiijiyo inay si buuxda ula jaanqaadayaan baahiyaha bulshada Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha horumarineed ee dowladda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdulkadir Cali, oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in sannadkan uu yahay mid muhiim u ah horumarinta dib-u-heshiisiinta bulshada, xoojinta dowladaha hoose, horumarinta adeegyada diiwaangelinta madaniga ah iyo ballaarinta joogitaanka dowladda ee deegaannada laga xoreeyay kooxaha argagixisada.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda howlaha u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adda FCDO, Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya (SSF), deeq-bixiyeyaasha iyo dhammaan daneeyayaasha kale si loo gaaro natiijooyin waara oo wax ku ool ah.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xasilinta, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada dib looga xoreeyay kooxaha amniga qalqal geliya.