Soomaaliya iyo Pakistan oo Ka Wada Hadlay Sii-deynta Muwaadiniinta Pakistan ee Saaran MT Honour 25

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka telefoonka kula yeeshay wada hadal muhiim ah Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Mohammad Ishaq Dar. Wadahadalkan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda muwaadiniinta Pakistan ee saaran markabka MT Honour 25 iyo dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo badqabkooda iyo sii deyntooda.

Intii uu socday wada hadalka, Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa adkeeyay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay inay si buuxda u taageerto dhammaan dadaallada lagu badbaadinayo dadka la haysto, isla markaana loo xaqiijiyo in si degdeg ah lagu sii daayo. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso ilaalinta nolosha iyo amniga dadka rayidka ah, iyadoo mar walba garab istaagaysa dadaallada lagu xallinayo xaaladaha bini’aadantinimo ee noocan oo kale ah.

Dhankiisa, Wasiir Mohammad Ishaq Dar ayaa uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya taageerada iyo iskaashiga ay muujisay, isagoo xusay in xiriirka dhow ee labada dal uu door weyn ka qaadan karo sidii xal waara loogu heli lahaa arrintan. Labada wasiir waxay isku raaceen in la sii xoojiyo wada shaqeynta iyo isdhaafsiga xogaha la xiriira xaaladda markabka iyo dadka saaran, si loo dedejiyo dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro natiijo wanaagsan.

Sidoo kale, labada dhinac waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin heerka wanaagsan ee uu marayo xiriirka u dhexeeya Somalia iyo Pakistan. Waxay tilmaameen in sanadihii la soo dhaafay uu jiray horumar muuqda oo laga sameeyay iskaashiga dhinacyada siyaasadda, diblomaasiyadda, amniga, ganacsiga iyo arrimaha caalamiga ah, taasoo sii xoojisay xiriirka taariikhiga ah ee labada shacab iyo dowladood.

Ugu dambeyn, labada wasiir waxay carrabka ku adkeeyeen in Soomaaliya iyo Pakistan ay sii wadi doonaan wada shaqeynta dhow iyo xiriirka joogtada ah ilaa laga gaarayo xal dhameystiran oo ku saabsan arrinta muwaadiniinta Pakistan ee saaran markabka MT Honour 25. Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah, korna loo qaado iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee ay wadaagaan labada dal, si loo gaaro nabad, xasillooni iyo horumar ay ka wada faa’iideystaan shacabka Soomaaliya iyo Pakistan.