Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta furay dib-u habeyn yo dayactir lagu sameynayay keydka Radio Muqdisho, si loo dardar-geliyo badbaadinta iyo casriyeynta dhaxalka maqalka ee taariikhiga ah ee Soomaaliya.
Daah-furka waxaa Wasiirka ku wehliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Radio Muqdisho iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee kaydka iyo makiinadaha dib loo dayactiray ee lagu danabeynayo canjaladaha taariikhiga ah.
Agaasimaha Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/Fataax Daahir Jayte oo madasha khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn ka warbixiyey marxaladihii uu soo maray dib u dayactirka iyo casriyeynta keydka baaxada weyn ee Radio Muqdisho, isaga oo rajeeyey in tani bilow u noqoto in Keydka Radio Muqdisho uu helo Casriyeyntii ugu ballaarneyd maadaama madaxda Wasaaradda ka go’an tahay in keydka Digital loo bedelo.
Wasiirka ayaa sheegay in dayactirka iyo dib-u-habeyntan ay tahay horudhac muhiim u ah dadaal ballaaran oo Wasaaraddu ku casriyeynayso Kaydka Radio Muqdisho, si loo ilaaliyo loona badbaadiyo kumannaan cajaladood oo xambaarsan taariikh, dhaqan iyo xusuusta qaranka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa bogaadiyay howl-wadeennada Radio Muqdisho iyo shaqaalaha Kaydka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu dardargelinayo casriyeynta canjaladaha kaydka, si jiilasha mustaqbalka ay uga faa’iideystaan dhaxalkan qaran.
Wasiirka ayaa uga mahad celiyay Hay’adda Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay ee UNESCO iyo Barnaamijka JFIT ee Dowladda Japan ee taageeraya Barnaamijka Xusuusta Dunida ( Memory of the World), sameynta Warbixinta qiimeynta Kaydka Radio Muqdisho, iyo dib-u habeynta makiinadaha iyo qalabka Kaydka.
Wasiirku wuxuu xusay in makiinadaha dib la dayactiray ay yihiin bar bilow wanaagsan, balse aysan weli ku filnayn baaxadda weyn ee canjaladaha taariikhiga ah ee kaydka ku jira iyo badbaadintooda oo u baahan barnaamij ballaaran, loona baahan yahay Bulshasa Soomaaliyeed, UNESCO iyo Saaxiibada kale ee caalamka in ay kaalin ka qaataam ol olaha ay Wasaaraddu wado lagu fududeynayo helitaanka xogta kaydka iyo dedajinta casriyaynta Canjaldaha waqti dheer kaydsan oo halis ugu jira baaba’ iyo lumitaan.
Kaydka Radio Muqdisho waa hoyga ugu ballaaran taariikhda Soomaaliya laga soo bilaabo 1951, waxaana wasaaradda waddaa dedaal lagu dardar galinayo casriyaynta canjaladaha.
Home Wararka Maanta Wasiirka Warfaafinta oo Daah-furay Dayactirka iyo Casriyeynta Kaydka Radio Muqdisho