Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa lagu wadaa inuu safar shaqo ku tago magaalada Jowhar, halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono munaasabado muhiim ah oo la xiriira horumarinta hay’adaha dowladnimada iyo xoojinta maamulka deegaanka.
Safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira xarig-jarka iyo daahfurka xarunta cusub ee Baarlamaanka iyo xarunta Madaxtooyada maamulka Hirshabelle State, kuwaas oo muddooyinkii la soo dhaafay laga waday magaalada Jowhar. Xarumahan cusub ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah tayeynta adeegyada dowladda, kor u qaadidda hannaanka maamulka iyo xoojinta shaqada hay’adaha dastuuriga ah ee Hirshabeelle.
Mas’uuliyiinta Hirshabeelle ayaa sheegay in diyaar-garow xooggan loogu jiro soo dhaweynta Madaxweynaha, iyadoo la adkeeyay amniga magaalada Jowhar iyo goobaha uu booqan doono. Sidoo kale, waxaa la filayaa in Madaxweynaha uu kulamo la yeesho madaxda maamulka Hirshabeelle, odayaasha dhaqanka, qeybaha bulshada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka.
Munaasabadda furitaanka xarumaha cusub ayaa la filayaa inay noqoto mid ay kasoo qeybgalaan madax heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, kuwaas oo ka hadli doona muhiimadda ay xarumahani u leeyihiin horumarka dowladnimada, xasilloonida iyo adeegyada bulshada.
Booqashada Madaxweynaha ee Jowhar ayaa kusoo beegmeysa xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay dardargelinayso dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladeed, dib-u-dhiska kaabeyaasha maamulka iyo horumarinta dowladnimada guud ahaan dalka. Dowladda iyo maamulka Hirshabeelle ayaa rajo ka muujiyay in xarumaha cusub ay door weyn ka qaadan doonaan kobcinta shaqada dowladda iyo u adeegidda shacabka ku nool deegaannada Hirshabeelle.