Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland State of Somalia, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirka Qorshaha Istaraatiijiyadda 3-aad ee Caafimaadka Puntland ee sanadaha 2026–2030, kaas oo lagu dejinayo jihada horumarinta adeegyada caafimaadka ee Puntland shanta sano ee soo socota.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan golayaasha dowladda, masuuliyiinta bahda caafimaadka, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee taageera caafimaadka, khubaro caafimaad, iyo daneeyayaal kale oo door muhiim ah ka qaata horumarinta adeegyada caafimaadka Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo hadal ka jeediyay munaasabadda furitaanka shirka, ayaa sheegay in qorshahan cusub uu yahay mid muhiim u ah kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada. Wuxuu tilmaamay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso sidii shacabka Puntland ay u heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo tayo leh, laguna gaari karo dhammaan deegaannada Puntland.
“Qorshahan istaraatiijiyadeed wuxuu saldhig u noqon doonaa dadaallada lagu horumarinayo caafimaadka bulshada, lagu xoojinayo xarumaha caafimaadka, laguna dhisayo awoodda hay’adaha caafimaadka si ay ugu adeegaan shacabka si hufan oo waxtar leh,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenku.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta ka dhaxaysa dowladda, hay’adaha taageerada, bahda caafimaadka iyo bulshada inteeda kale, si loo xaqiijiyo hirgelinta qorshaha iyo gaarista himilooyinka lagu dejiyay muddada shanta sano ah.
Qorshaha Istaraatiijiyadda 3-aad ee Caafimaadka Puntland 2026–2030 ayaa diiradda saaraya dhowr qodob oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin xoojinta maamulka iyo hoggaaminta caafimaadka, ballaarinta helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh, horumarinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, la tacaalidda cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin, diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah, iyo dhismaha nidaam caafimaad oo adkaysi leh, loo siman yahay isla markaana waara.
Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in qorshahan cusub uu ka tarjumayo baahiyaha dhabta ah ee bulshada, isla markaana uu hagayo dadaallada lagu gaarsiinayo adeegyo caafimaad oo casri ah dhammaan shacabka Puntland. Waxay sidoo kale xuseen in qorshuhu uu qayb ka yahay himilada Puntland ee ku aaddan horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo kor u qaadista tayada nolosha bulshada.
Shirka ayaa la filayaa inuu socdo muddo dhowr maalmood ah, iyadoo intii uu socdo lagu falanqeyn doono qorshayaasha, caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada caafimaadka Puntland, si loo helo istaraatiijiyad mideysan oo horseedda caafimaad tayo leh iyo bulsho caafimaad qabta.