Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa, Mudane Aadam Isaaq, ayaa maanta si rasmi ah ugu gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo, taas oo u suurtagelinaysa inuu si buuxda u bilaabo waajibaadkiisa diblomaasiyadeed ee uu ku matalayo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa qayb ka ah habraacyada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, waxaana Safiirka uu sidoo kale Madaxa Hab-maamuuska Dowladda Koonfur Afrika ku wareejiyay fariin rasmi ah oo ka timid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Abdisalaan Cabdi Cali Dhaay. Fariintan ayaa ku socotay dhiggiisa dowladda Koonfur Afrika, iyadoo la xiriirta xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga wadajirka ah.
Safiir Aadam Isaaq ayaa sheegay in muddada uu xilka hayo uu xoogga saari doono horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika. Wuxuu xusay in labada dal ay leeyihiin fursado badan oo iskaashi oo ku saabsan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada iyo arrimaha horumarinta, kuwaas oo muhiim u ah danaha labada shacab.
Safiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in safaaraddu ka shaqeyn doonto xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee labada waddan, si loo abuuro fursado cusub oo dhaqaale iyo iskaashi oo faa’iido u leh Soomaaliya iyo Koonfur Afrika. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in kor u qaadista xiriirka labada dowladood ay kaalin weyn ka qaadan karto horumarka iyo xasilloonida gobolka.
Dhanka kale, Safiir Aadam Isaaq ayaa muujiyay sida ay muhiim ugu tahay dowladda Soomaaliya u adeegidda iyo daryeelka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika. Wuxuu sheegay in safaaraddu ay mudnaan siin doonto ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed, fududeynta adeegyada qunsuliyadeed iyo ka shaqeynta arrimaha la xiriira badqabka iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas.
Magacaabista iyo howlgalka Safiirka cusub ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaadato xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, iyadoo sidoo kale sare loo qaadayo adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.