Sheekh Aadan Madoobe oo Si Rasmi ah Ula Wareegay Hoggaanka Dowladda Koonfur Galbeed

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta lagu qabtay xarunta maamulka Dowladda Koonfur Galbeed, taas oo uu si rasmi ah xilka ugula wareegay Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheikh Aden Mohamed Nur Madobe. Xafladda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda Dowladda Koonfur Galbeed, xubno ka socday hay’adaha dowladda, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda ayaa ku dhacday jawi ay ka muuqatay is-afgarad iyo wadajir, iyadoo Hoggaamiyihii ku-meel-gaarka ahaa, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, uu si rasmi ah ugu wareejiyay Hoggaamiyaha cusub dhammaan dukumiintiyada, faylasha iyo masuuliyadaha xafiiska. Waxa uu ugu hambalyeeyay xilka loo doortay, isaga oo u rajeeyay inuu si guul leh u guto waajibaadka culus ee horyaalla.

Mudane Jibriil ayaa sidoo kale sheegay in muddadii uu xilka hayay ay jireen dadaallo lagu ilaalinayay xasilloonida maamulka iyo sii wadista howlaha dowladda, isaga oo muujiyay kalsooni uu ku qabo in hoggaanka cusub uu sii ambaqaadi doono shaqooyinka horumarinta iyo dowlad-dhiska.

Dhankiisa, Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa uga mahadceliyay Hoggaamiyihii ku-meel-gaarka ahaa shaqada iyo dadaalka uu geliyay intii lagu jiray marxaladda kala guurka. Wuxuu sheegay in maamulka cusub uu xoogga saari doono adkeynta amniga, dib-u-heshiisiinta bulshada, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo xoojinta hay’adaha dowladeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ballanqaaday inuu la shaqeyn doono dhammaan qeybaha bulshada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dardargeliyo horumarka iyo dowlad-dhiska Koonfur Galbeed. Waxa uu tilmaamay in mudnaanta koowaad la siin doono nabadda, mideynta bulshada iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax ka taraya baahiyaha shacabka.

Munaasabaddan xil wareejinta ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo ka tarjumeysa habsami u socodka geeddi-socodka dowladnimo iyo kala wareegga mas’uuliyadda maamulka. Dadkii ka qeyb galay xafladda ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan hoggaanka cusub, iyagoo rajo ka muujiyay in maamulka cusub uu horseedi doono xasillooni, horumar iyo adeegyo wanaagsan oo ay shacabka Koonfur Galbeed helaan.