Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa guul muhiim ah ka gaaray howlgal amni oo muddo dheer socday, kadib markii ay gacanta ku dhigeen walxo kiimiko ah oo loo adeegsan jiray samaynta qaraxyada, kuwaas oo la sheegay in loo waday kooxaha Khawaarijta. Howlgalkan ayaa yimid kaddib baaritaanno iyo dabagal muddo socday oo ay hay’adaha ammaanku ku hayeen dhaqdhaqaaqyo la xiriiray sahayda iyo agabka ay isticmaalaan kooxaha argagixisada.
Sida lagu sheegay warbixinta hay’adaha ammaanka, walxahan kiimikada ah ayaa ku jiray in ka badan boqol jirgaan, waxaana lagu qariyey deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Khawaarijta ayaa la sheegay inay halkaasi ku duugeen walxahaasi kadib markii ay ogaadeen in ciidamada ammaanka iyo sirdoonku ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqooda iyo qorshayaashooda.
Howlgalka lagu soo qabtay walxahan ayaa muujinaya dadaallada joogtada ah ee ay dowladda Soomaaliya ku wiiqeyso awoodda kooxaha argagixisada, gaar ahaan dhinacyada saadka, maalgelinta iyo agabka loo adeegsado fulinta weerarrada. Saraakiisha ammaanka ayaa tilmaamay in walxahan ay ahaayeen kuwo khatar weyn ku ah amniga shacabka, maadaama loo adeegsan lahaa samaynta qaraxyo lagu beegsan karo goobaha shacabka iyo xarumaha dowladda.
Hay’adaha ammaanka ayaa xusay in burburinta shabakadaha sahayda ee Khawaarijta ay tahay mid ka mid ah istaraatiijiyadda ugu muhiimsan ee lagu wiiqayo awoodda kooxahaasi. Waxay sheegeen in howlgaladan ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amniga guud ee dalka, lagana hortagayo isku day kasta oo lagu waxyeelleynayo shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada ammaanka Soomaaliyeed ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo xarumahooda, goobaha ay ku dhuuntaan iyo sahayda ay ku tiirsan yihiin. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay inay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha argagixisada iyo sugidda amniga dalka, iyadoo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah.