Dekedda Muqdisho oo Soo Dhaweysay Shirkadda Maraakiibta Turkiga ee Akkon Lines

Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa maanta martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay shirkadda maraakiibta ee Akkon Lines, taas oo markii ugu horreysay si rasmi ah uga billowday howlaha gaadiidka badda ee Soomaaliya. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah horumarinta ganacsiga badda iyo xoojinta xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Munaasabadda soo dhaweynta ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ganacsato iyo marti sharaf kale. Waxaa ugu horreeyay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdulqadir Mohamed Nur, Maareeyaha Dekedda Muqdisho Danjire Mohamed Ali Nur (Ameeriko), Maareeye Ku-xigeenka Dekedda Muqdisho, xubno ka socday Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, wakiillo ka socday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho iyo masuuliyiin ka kala socday shirkadaha Akkon Lines iyo Ocean Network Shipping.

Masuuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in imaanshaha shirkadda Akkon Lines uu fursad cusub u yahay ganacsatada Soomaaliyeed, maadaama ay shirkaddu bixin doonto adeegyo maraakiib oo toos ah oo isku xira Soomaaliya iyo Turkiga. Adeeggan cusub ayaa la filayaa inuu yareeyo waqtiga iyo kharashaadka ku baxa daabulista badeecadaha, isla markaana kordhiyo tayada iyo hufnaanta adeegyada gaadiidka badda.

Shirkadda Akkon Lines ayaa lagu tilmaamay inay ka mid tahay shirkadaha maraakiibta ee gobolka si xawli ah ugu koraya, iyadoo leh khibrad dhinaca gaadiidka badda iyo maaraynta xamuulka. Howlgalkeeda Soomaaliya ayaa la filayaa inuu sare u qaado tartanka adeegyada dekedaha iyo maraakiibta, taas oo faa’iido u noqon doonta ganacsatada iyo dhaqaalaha dalka.

Masuuliyiinta dowladda ayaa sidoo kale xusay in xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Turkiga uu si joogto ah u kobcayay sanadihii la soo dhaafay, iyadoo Turkigu uu ka mid yahay dalalka sida weyn uga qayb qaata maalgashiga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo taageerada Soomaaliya. Adeegga cusub ee Akkon Lines ayaa la rumeysan yahay inuu sii xoojin doono iskaashigaas, isla markaana kordhin doono isdhaafsiga badeecadaha iyo fursadaha maalgashi ee labada dal.

Ugu dambeyn, furitaanka howlaha shirkadda Akkon Lines ee Soomaaliya ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadeysa doorka Dekedda Muqdisho ee ganacsiga gobolka, iyadoo sidoo kale gacan ka geysaneysa kobaca dhaqaalaha, abuurista fursado ganacsi iyo xoojinta xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Turkiga.