Musharrax Madaxweynaha Galmudug, Liiban Axmed Xasan, ayaa kulan qado sharaf ah oo si heer sare ah loo agaasimay ku maamuusay Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulkadir Cartan (Omar Artan). Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeyb galay xubno ka socday labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, aqoonyahanno, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.
Kulanka ayaa ahaa mid lagu dhiirrigelinayay guulaha isdaba-joogga ah ee uu gaaray garsoore Cumar Cartan, oo muddooyinkii u dambeeyay ka mid noqday garsoorayaasha Afrika ee ugu magaca weyn uguna heerka sarreeya. Musharrax Liiban Axmed Xasan ayaa si weyn u bogaadiyay dedaalka, kartida iyo anshaxa shaqo ee Cumar Cartan, isagoo ku tilmaamay inuu yahay astaan muujinaysa in dhalinyarada Soomaaliyeed ay gaari karaan heer caalami ah haddii ay helaan dadaal, hufnaan iyo taageero.
Sidoo kale, Liiban Axmed Xasan ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo dadka Soomaaliyeed ee ku guuleysta heerarka caalamiga ah, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya horumarinta magaca dalka. Wuxuu tilmaamay in guulaha noocan oo kale ah ay sare u qaadayaan sumcadda Soomaaliya, isla markaana ay dhiirrigelinayaan jiilka cusub ee Soomaaliyeed.
Dhanka kale, xubnihii ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galay kulanka ayaa iyaguna ku ammaanay Cumar Cartan kaalinta uu ku leeyahay kubadda cagta caalamiga ah, iyagoo sheegay in uu yahay tusaale wanaagsan oo muujinaya in Soomaaliya ay leedahay karti iyo hibo la tartami karta adduunka intiisa kale.
Cumar Cabdulkadir Cartan (Omar Artan) ayaa isna uga mahadceliyay martiqaadka iyo maamuuska loo sameeyay, isagoo sheegay in taageerada noocan oo kale ah ay dhiirrigelin weyn u tahay shaqadiisa garsoornimo iyo matalaadda dalka Soomaaliya ee garoomada caalamka.
Kulankan qado sharafta ah ayaa ku soo dhammaaday jawi is-afgarad, dhiirrigelin iyo isku duubni, iyadoo dhammaan ka qeybgalayaashu ay muujiyeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku xirnaanta hoggaanka, bulshada iyo haldoorka Soomaaliyeed si loo gaaro horumar waara iyo dowladnimo tayo leh.