Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo Kulan Muhiim ah Kula Qaatay Saraakiisha Ciidamada Dowladda

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa guddoomiyey shir amni oo muhiim ah oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu sugayo nabadgelyada shacabka.

Shirka oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Amniga, saraakiisha ciidamada kala duwan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha ammaanka, ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni ee maamulka, caqabadaha jira iyo qorshayaasha lagu xoojinayo howlaha amniga ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed. Saraakiisha ciidamada ayaa Hoggaamiyaha la wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda amni, guulaha laga gaaray howlgalada socda iyo tallaabooyinka la qorsheynayo si loo adkeeyo nabadgelyada.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha amniga, maamulka iyo bulshada, si loo xaqiijiyo jawi amni oo deggan oo shacabka ay ku noolaadaan. Mas’uuliyiinta ayaa isla qaatay in amniga uu yahay saldhigga horumarka, isla markaana loo baahan yahay dadaal wadajir ah oo lagu ilaalinayo xasilloonida iyo kala dambeynta deegaannada maamulka.

Shirka ayaa laga soo saaray go’aamo dhowr ah oo la xiriira sugidda amniga, kuwaas oo ay kamid yihiin in askari aan ku labisnayn dareeska ciidamada uusan qori ku dhex wadan karin gudaha magaalada, si loo kala saaro ciidamada rasmiga ah iyo dadka kale ee hubaysan. Sidoo kale waxaa la go’aamiyay in baabuurta dagaalka aysan ku dhex socon karin magaalooyinka haddii aysan ku jirin howlgal rasmi ah oo amni, taasoo looga gol leeyahay in la yareeyo cabsi kasta oo shacabka ku abuuri karta hubka culus ee lagu dhex arko magaalooyinka.

Go’aannada kale ee muhiimka ah waxaa kamid ahaa in la bilaabo howlgallo qorshaysan oo lagu furayo waddooyinka isku xira degmooyinka Koonfur Galbeed, si loo fududeeyo isu socodka shacabka, gaadiidka ganacsiga iyo adeegyada bulshada. Tallaabadan ayaa la filayaa inay kor u qaaddo dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo xiriirka bulshada ee deegaannada kala duwan ee maamulka.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laamaha amniga ay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara. Waxa uu ku boorriyay ciidamada inay si dhow ula shaqeeyaan bulshada, maadaama shacabka ay yihiin laf-dhabarta amniga iyo il muhiim ah oo lagu ogaan karo khataraha amni ee jira.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu ka go’an yahay xoojinta amniga, dib u soo celinta adeegyada dowladeed iyo horumarinta deegaannada maamulka, isagoo xusay in nabadgelyada iyo xasilloonidu ay yihiin furaha lagu gaari karo horumar iyo barwaaqo ay shacabka Koonfur Galbeed wadaagaan.