Taliyaha Ciidanka XDS iyo Masar oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Milatari

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay U Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Jamhuuriyadda Carabta Masar ee Soomaaliya, S/Guuto Ahmed Fathi Abdisitar, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee labada dal.

Kulanka ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay arrimaha tababarrada ciidamada, taageerada howlgalka AUSSOM, iyo horumarinta xiriirka difaaca ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar. Labada dhinac ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal, gaar ahaan xilligan ay Soomaaliya ku jirto dadaallo lagu dhisayo awoodda ciidanka iyo sugidda amniga.

Taliyaha Ciidanka XDS ayaa sheegay in iskaashiga Soomaaliya iyo Masar uu yahay mid muhiim u ah horumarinta xirfadda iyo tayeynta ciidamada, isla markaana uu door weyn ka qaadanayo xoojinta amniga iyo la dagaallanka khataraha amni ee dalka.

Dhankiisa, S/Guuto Ahmed Fathi Abdisitar ayaa xaqiijiyay in Dowladda Masar ay ka go’an tahay sii wadidda iyo xoojinta taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarrada iyo dhismaha awoodda Ciidanka XDS, si loo gaaro amni iyo xasillooni waarta.

Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka XDS ayaa uga mahadceliyay Dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashigan uu yahay mid muhiim u ah mustaqbalka amniga iyo horumarka dalka.