Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ayaa galabta kormeer shaqo ku tagay Tuulada Ciyaaraha Dalka ee Stadio Muqdisho, oo ka mid ah goobaha si gaar ah loo asteeyey in lagu qabto munaasabadaha iyo cayaaraha lagu xusayo Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed.
Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa hubinta diyaargarowga garoonka, xaaladda guud ee kaabayaasha ciyaaraha, iyo sida uu u socdo qorshaha lagu martigelinayo dhacdooyinka isboorti ee la xiriira dabaaldegga maalmaha qaran. Xubnaha Guddiga ayaa si dhow u qiimeeyay tayada garoonka, nadaafadda, amniga, iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah qabsoomidda munaasabadaha waaweyn.
Sidoo kale, xubnaha Guddiga oo ay ka mid yihiin qaar ka tirsan Wasiirrada Dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa galabta si wadajir ah ula daawaday shacabka kulan ka mid ah wareegga labaad ee Horyaalka Kubadda Cagta Dalka oo ka dhacay isla Stadio Muqdisho. Ciyaarta ayaa noqotay mid si weyn loo soo agaasimay, isla markaana ay ka muuqatay xiisad iyo tartan adag oo u dhexeeya kooxaha ka qeyb galaya.
Mas’uuliyiintii halkaas ka hadlay ayaa bogaadiyay horumarka ka socda dhanka cayaaraha dalka, iyagoo sheegay in Stadio Muqdisho uu yahay astaan muhiim ah oo lagu muujiyo midnimada, isdhexgalka iyo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale ku dhiirrigeliyeen ciyaartoyda iyo kooxaha horyaalka inay sii wadaan dadaalka iyo kor u qaadista tayada kubadda cagta dalka.
Dhanka kale, Guddiga Qaran ayaa sheegay in kormeerkan uu qeyb ka yahay diyaar garowga ballaaran ee loogu jiro Maalmaha Xorriyadda, iyadoo la doonayo in dhammaan goobaha loo asteeyey xafladaha iyo cayaaruhu ay noqdaan kuwo si buuxda u diyaarsan.
Ugu dambeyn, kormeerka iyo daawashada ciyaarta ayaa muujinaya muhiimadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siineyso horumarinta cayaaraha, dhiirrigelinta dhalinyarada, iyo xoojinta munaasabadaha qaran ee lagu xusayo maalmaha xorriyadda iyo midnimada dalka.