Madaxweyne Axmed Madoobe oo Tababar u Soo Xiray Ciidamada Gaarka ah ee Duufaan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Ahmed Mohamed Islam, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu soo xiray Ururka Gaarka ah ee Duufaan ee Ciidamada Daraawiishta Jubaland, kuwaas oo loo diyaariyey inay ka qeyb qaataan howlgalada lagu sugayo amniga iyo xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin kooxaha hubeysan.

Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa Madaxweynaha wuxuu ciidamada kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan aqoonta iyo xirfadaha ay barteen muddadii uu socday tababarku, gaar ahaan casharrada la xiriira la dhaqanka bulshada iyo ilaalinta xuquuqda shacabka ku nool deegaannada howlgaladu ka dhacayaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa carrabka ku adkeeyay in guusha howlgalada amniga aysan ku xirnayn oo keliya guulo militari, balse ay muhiim tahay in ciidamada ay kasbadaan kalsoonida, taageerada iyo wada shaqeynta bulshada ay u adeegayaan. Waxa uu sheegay in shacabka ay yihiin laf-dhabarta nabadda iyo xasilloonida, sidaas darteedna ay muhiim tahay in ciidamada ay muujiyaan anshax, mas’uuliyad iyo ixtiraam ay ku muteysan karaan taageerada bulshada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo adkeysiga ay ciidamada muujiyeen muddadii uu socday tababarka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay si geesinimo leh uga soo baxaan waajibaadka qaran ee loo igmaday. Wuxuu xusay in ciidamada Duufaan ay door muhiim ah ka qaadan doonaan howlgalada lagu xoreynayo deegaannada iyo sugidda amniga guud ee Jubaland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in dowladdu ay sii wadi doonto horumarinta iyo tayeynta ciidamada kala duwan, si loo helo ciidan xirfad leh oo awood u leh difaaca shacabka, ilaalinta amniga iyo xoojinta xasilloonida deegaannada Jubaland.