Taliyaha XDS oo Guddoomiyey Shir Looga Hadlay Dardargelinta Howlgalada iyo Amniga Qaranka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka subaxlaha ee Taliska Guud ee Ciidanka XDS, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga dalka, dardargelinta howlgalada ciidamada iyo qorshayaasha lagu horumarinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa si gaar ah looga hadlay u diyaar-garowga ciidamada ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga qaranka, taas oo si tartiib tartiib ah looga gudbayo ciidamada Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Saraakiisha ka qeyb gashay kulanka ayaa falanqeeyay heerka diyaar-garowga ciidamada iyo tallaabooyinka loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda amni.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan dalka, gaar ahaan xoojinta howlgalada ka socda furimaha hore, kor u qaadista awoodda ciidamada iyo qorsheyaasha lagu adkeynayo sugidda amniga inta lagu guda jiro munaasabadaha maalmaha xorriyadda ee soo socda.

Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka XDS ayaa warbixinno faahfaahsan ka bixiyay howlaha socda, guulaha la gaaray iyo qorshayaasha lagu horumarinayo tayada, tababarka iyo qalabaynta ciidamada. Waxa ay sidoo kale soo bandhigeen tallaabooyin lagu kordhinayo isku-duwidda howlgalada iyo kor u qaadista waxqabadka ciidamada ee dhammaan gobollada dalka.

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni guud. Wuxuu xusay in laamaha amniga ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sugidda amniga caasimadda Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka, iyadoo la dardargelinayo howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha amniga lidka ku ah.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa ku boorriyay saraakiisha iyo ciidamada inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda, muujiyaanna feejignaan iyo karti dheeraad ah, si loo xaqiijiyo amniga dalka, loona xoojiyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan ciidamada qaranka. Waxa uu tilmaamay in horumarinta iyo dib-u-habeynta Ciidanka Xoogga Dalka ay laf-dhabar u tahay qorshaha dowladda ee lagu xaqiijinayo amni buuxa oo ay Soomaaliya isku tashato.