Safiirka Soomaaliya ee Liibiya oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya, Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdulmanaan, ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ugu gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Madaxtooyada Dowladda Liibiya, Mohamed al-Menfi, munaasabad rasmi ah oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Liibiya.

Gudbinta warqadaha aqoonsiga ayaa astaan rasmi ah u ah bilowga waajibaadka diblomaasiyadeed ee Safiirka cusub, iyadoo sidoo kale muujinaysa sida ay Soomaaliya iyo Liibiya uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo, iskaashiga diblomaasiyadeed iyo danaha wadaagga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Safiir Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdulmanaan ayaa Guddoomiyaha Golaha Madaxtooyada Liibiya gaarsiiyay salaan iyo farriin ka timid hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, waxbarashada iyo arrimaha bulshada ee ay wadaagaan labada dal.

Safiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta laba geesoodka ah iyo dib u soo nooleynta xiriirrada taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Liibiya, kuwaas oo soo jiray muddo dheer. Waxa uu tilmaamay in labada dal ay leeyihiin dano iyo xiriir qoto dheer oo ku saleysan walaaltinimo, iskaashi iyo taageero ay marar badan is garab istaageen.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Madaxtooyada Liibiya, Maxamed Al-Menfi, ayaa soo dhaweeyay Safiirka cusub, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar inta uu gudanayo waajibaadkiisa diblomaasiyadeed. Wuxuu muujiyay sida Dowladda Liibiya ay u danaynayso sii xoojinta xiriirka ay la leedahay Soomaaliya iyo kor u qaadista iskaashiga dhinacyada muhiimka u ah labada shacab.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada, tababarrada iyo arrimaha qunsuliyadeed ee khuseeya muwaadiniinta labada dal. Waxaa la isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka hay’adaha dowladda iyo is-dhaafsiga khibradaha si loo gaaro horumar iyo dan guud oo labada dhinacba faa’iido u leh.

Gudbinta warqadaha aqoonsiga Safiirka Soomaaliya ee Liibiya ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sii ballaarinayso xiriirrada diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka gobolka iyo kuwa caalamka, iyadoo mudnaanta la siinayo xoojinta iskaashiga, horumarinta danaha qaranka iyo kor u qaadista sumcadda Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah.