Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Galmudug, Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka daahfuray imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe, kaas oo ay u fariisanayaan kumannaan arday oo ka kala socda degmooyinka iyo deegaannada maamulka Galmudug.

Imtixaankan oo ah mid heer maamul goboleed ah ayaa sanadkan waxaa u fariisanaya 8,195 arday, kuwaas oo ku kala sugan 21 degmo iyo degaan oo ka tirsan Galmudug. Magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimadda Galmudug ayaa iyaduna martigelisay 894 arday, kuwaas oo si rasmi ah uga qeyb galay imtixaanka maanta la bilaabay.

Wasiirka Waxbarashada Galmudug ayaa furitaanka imtixaanka ka sheegay in dowladda ay muhiimad gaar ah siinayso tayada waxbarashada iyo hufnaanta imtixaannada, isagoo ardayda u rajeeyay guul iyo natiijo wanaagsan. Waxa uu ku dhiirrigeliyay ardayda inay si daacad ah oo deggan u gutaan imtixaanka, isla markaana ay muujiyaan dadaalkii ay soo wadeen muddada waxbarashada.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in imtixaankan uu yahay mid muhiim u ah qiimeynta waxbarashada heerka dugsiga dhexe, isla markaana uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo nidaamka waxbarasho ee Galmudug.

Munaasabadda daahfurka imtixaanka waxaa goob-joog ka ahaa saraakiisha laamaha amniga, gaar ahaan Ciidanka Booliiska, iyo sidoo kale hawl-wadeennada Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, kuwaas oo si dhow u sugayay amniga iyo habsami u socodka imtixaanka.

Ugu dambeyn, maamulka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa sheegay in ay si buuxda uga go’an tahay xaqiijinta in imtixaannada ay u dhacaan si hufan, ammaan ah oo daahfuran, si loo helo natiijo lagu kalsoonaan karo oo muujisa heerka waxbarasho ee ardayda Galmudug.