Taliyaha Ciidanka Hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-S), Brigadier General Elio Manes, ayaa booqasho shaqo ku tegay Taliska Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee Villa Baydhabo, isagoo xoojiyay iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Midowga Yurub iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Taliyaha EUTM-S ayaa dib u eegis ku sameeyay natiijooyinka aqoon-is-weydaarsigii dhowaan lagu qabtay Isgaarsiinta iyo Nidaamyada Macluumaadka (CIS), kaas oo lagu fuliyay mashruuca SNA III ee uu maalgeliyo Midowga Yurub. Mashruucan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta awoodaha casriga ah ee isgaarsiinta, si loo xoojiyo hoggaaminta, xakamaynta iyo isku-duwidda hawlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Brigadier General Elio Manes ayaa booqday Xarunta Hawlgallada Taliska Saadka ee Joogtaynta Ciidanka, halkaas oo saraakiisha CXDS ay ka maamulaan qorsheynta iyo isku-duwidda taageerada saadka ee cutubyada ciidanka ee ka hawlgala gobollada dalka. Saraakiisha ayaa Taliyaha la wadaagay horumarka laga gaaray nidaamka saadka iyo tayeynta adeegyada taageerada ciidanka, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo si buuxda u shaqeyn kara.
Booqashadan ayaa muujisay horumarka la taaban karo ee laga sameeyay awoodda qaab-dhismeedka taakuleynta iyo joogtaynta ciidanka, iyadoo ay hormuud ka yihiin saraakiisha Soomaaliyeed oo si dhow ula shaqeynaya khubaro caalami ah.
Midowga Yurub ayaa sii wada taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, isagoo fulinaya barnaamijyo iyo mashruucyo kala duwan sida SNA III, kuwaas oo lagu xoojinayo dhismaha hay’adaha amniga Soomaaliyeed si ay u noqdaan kuwo xirfad leh, awood leh oo waara, isla markaana awood u leh inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.